Garowe: Dadweynahu ha bixiyaan canshuuraha [Dhageyso]

Image

July 26,2015 (GO)- Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Garowe Qaasim Maxamed Cabdi ayaa ka hadlay bixinta canshuuraha gaadiidka iyo guryaha magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

Qaasim ayaa sheegey inay dhaliilsanyihiin qaabka ay u dhaqmayaan dadka aan fahamsanayn muhiimadda ku jirta in la bixiyo canshuuraha ku waajibay.

"Waxaa jira dhaliilo noo muuqdey oo ah baabuurta qaar kuwaasi oo ka leexanaya goobaha lagu qaadayo canshuuraha kuwaasi oo mararka qaar dhalin kara isku dhaca askarta canshuurta qaadeysa iyo dadka wada gawaaridda" ayuu yiri Xoghayuhu.

Xogahayaha ayaa dhinaca kale digniin u dira dadka qashinka ku shuba togga biyahu maraan ee magaalada Garowe.

"Waxaa jira arrin deegaanka saameyn ku yeelatey sidoo kale saameysay nolosha xoolaha, taasoo ah togga lagu guro ciid, waxaan horey uga soo saarney awaamiir kala duwan, ciddi lagu soo qabto falkaasi waxaan la tiigsan doonnaa sharciga" ayuu yiri xoghayaha degmada Garowe.

Askarta Canshuurta qaadda ayuu ka codsadey inay si wanaagsan ula dhaqmaan qofkii aan fahamsaneyn bixinta cashuuraha.

GAROWEONLINE
 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM