Qabanqaabada shirweynaha uu Deni ku dhawaaqay oo laga warbixiyey

Image

GAROWE, Puntland – Dowlada Puntland oo shaacisay in qabanqaabada shirweynaha uu madaxweyne Deni kaga dhawaaqay Boosaaso ay meel fiican mareyso ayaa rajeysay in uu ku dhaco waqtigii loo muddeeyay.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta Puntland, ayaa hadalkaas ka sheegay Madasha Dooda PUNSAA oo habeenimadii Khamiista lagu qabtay Garowe.

Wasiirka oo dadweynaha ku booriyey in ay taageero u muujiyaan shirkaas ayaa ku waaniyey in aysan kasii horudhicin natiijadda kasoo bixi karta.

Shirweynahaas oo looga hadlayo doorka Puntland ee dowladnimada Soomaaliya ayaa qorshuhu yahay in uu dhaco 15-ka bishaan Maaj.

Guddiga uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni u magacaabay qabanqaabada ayaa ku guda jira diyaarinta oo la xusay in ay "si fiican u socoto".

Madaxda talada haysa, saamileyda siyaasadda iyo xubno kale ayaa qorshuhu yahay in ay kasoo muuqdaan shirka oo ay soo dhaweeyeen dhinacyo badan.

Dhanka kale, Dhabancad oo xusay in khilaafka Puntland iyo dowladda federaalka uu daaran yahay baalmarista habka lagu heshiiyey ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay in wadahadalo lagu dhameeyo.

Ugu dambeyntii, isagoo dhalinyarada Puntland ku booriyey garab istaaga dowladooda ayaa sheegay in ay jiraan da’yar kale oo "si qaldan u adeegsada magaca dhalinta Puntland, iyagoo fulinaya ajande cid kale u dhiibtay".

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM