Qalabka dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe oo caasumadda la keenay

Image

16 December, 2015(GO)-Qalabka lagu dhisayo garoonka diyaaradaha Garowe ayaa maanta hordhaciisu soo gaaray caasumadda kadib markii Asbuucan laga soo dajiyay xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso.

Baabuurta waaweyn xamuulka ayaa qalabkan soo gaarsiiyay Garowe, sida wararku sheegayaan waxaa jidka ku soo jira kuwa kale. Dhismaha Airport-ka ayaa dhakhso u bilaabanaya, waxaana duulimaadyadii loo wareejiyay garoonka Canoco oo si KMG ah loo isticmaali doono.

Shacabka magalada ayaa si weyn u sugaya dayactir iyo dhisme lagu samee garoonka diyaaraduhu ka haadaan ee Garowe, waxuuna ku soo beegmay xilli uu gabo gabo marayo kan Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM