Qalabka lagu balaarinayo dekedda Bosaso oo la keenay

Image
Image
Image
Image

12 January, 2016(GO)-Waxaa maanta magalada Bosaso lakeenay qalab lagu ballaaniyo dekedda xarunta ganacsiga Puntland, waxaana booqday halka lagu dajiyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaji Cumar Camey iyo xubno katirsan golaha xukuumadda iyo maamulka gobolka Bari.

Qalabka lakeenay waxaa 08 January xafladda lagu furayay garoonka diyaaradaha Bosaso ku shaaciyay Madaxweyne Gaas, waxaana la filayaa inay yimaadaan qaybo kale oo dekedda lagu fidinayo.

Wasiirka wasaaradda dekedaha,gaadiidka badda iyo la dagaallanka Burcad-badeeda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax oo Saxaafadda kula hadlay Bosaso, ayaa sheegay in qorshahani billow u yahay ballaarinta dekadda xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey ayaa tilmaamay in tani rumaynayso riyadii dadka reer Puntland isla markaana meesha kasaari doonto shaki lagalinayay qalabkan.

Wuxuu tilmaamay in xukuumadda Puntland hormarinayso kaabayaasha dhaqaalaha si loo hormariyo dalka, wuxuuna xusay inay jiraan qalab kale oo soo socda.

Dhawaan ayay ahayd markii magalada Bosaso xarigga looga jaray garoonka diyaaradaha Bosaso oo shaqadiisu socotay muddo sannad ah, waxaana sida madaxdu sheegtay xigaya dayac tirka dekedda xarunta ganacsiga Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM