Qaramada Midoobey oo soo dhoweysey ansixinta gudiga doorasahada

Image

Muqdisho, 6 Juuly 2015 – Ergayga-gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee  Qaramada Midoobay u Qaabilsan  Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay ansaxinta uu baarlamaanka  Federaalka ansixiyay, sagaalka xubnood ee Guddiga Maddax Banaan ee Dooroshooyinka Qaranka.

“Magacaabista Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka waaa guul aad muhiim u ah (kuna qotonta) ujeedooyinkii lagu gaari lahaa Nabada iyo Qaran dhisiduba- Ujeedooyinkaas oo ku qorn barnaamijka Hiigsiga Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ergayga Gaarka ah. “Baarlamaanka Federaalka wuxuu ka ciyaaray door muhiim ah sidii Lagu dhisi lahaa Guddiga Maddax Banaan ee Doorashooyinka Qaranka taas oo waafaqsan Dastuurka Federaalka ee Ku-meelgaarka ah. Waxaan si dhakhso leh ooga  dhursugaynaa in Guddigani si dhakhso leh loo dhiso, korna loogu qaado awoodiisa waxqabad, sida   dhisidda Xoghayta guddiga.”

Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay in ay kala shaqayso Dowladda Federaalka Soomaaliyeed sidii gudigan loogu suurta gelin lahaa in uu howshiisa u bilaabo si dhakhso leh.

DHAMAAD

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM