Qarax ka dhacey saldhiga bartamaha magaalada Bosaso

Image

BOSASO Jan 10,2015 [GO]- Waxaa caawa lagu weerarey Bambooyinka kuwa gacmaha laga tuuro saldhiga Bartamaha magaalada ganacsiga Puntland ee Bosaso. Wararka kasoo baxaya goobtaas ayaa sheegeya in dadkii weerarkaan gaystey ka baxsadeen goobta.

Wararka kasoo baxaya halkaas oo aad u kooban madaama ciidamada amniga gaareen goobta ayaa wararka hordhaca ee soo baxaya waxey sheegayaan in dhaawac fudud kaliya ka soo gaarey qof dumar ah oo goobta qaraxu ka dhacey ku dhoweyd.

Weerarkaan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada amniga Puntland howlgalo kaga jiraan dhulka kaymaha ah ee ku yaal buuraleyda Golis.

Warsidaha Garowe Online kala soco wararka la xiriira khasaaraha qaraxaan gaystey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM