Qaraxii ka dhacay Garowe oo si xoogan loo cambaareeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si xoogan wuxuu u cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ee caawa fiidkii ka dhacay nawaaxiga saldhiga booliska Garowe, caasimadda Puntland.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa falkaas wuxuu ku tilmaamay in uu ahaa "mid argagixiso".

Weerarkaas ayaa lagu beegsaday gudoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo Faarax Galangooli, oo mar sii noqdey taliyaha booliska gobolka. Askari ayaa kamid ah bukaanada.

Warbixinadda ayaa soo jeedinaya in Xirsi iyo Galangooli uu dhaawacoodu yahay "mid culus" ayna ku jiraan qolka xaaladda deg-deg ah.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa soo kabasho deg-deg ah wuxuu u rajeeyay mas'uuliyiinta.

"Waxaan canbaaraynaa weerarka argagexiso ee lala beegsaday Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo masuuliyiinta kale. Waxaan Alle uga baryayaa in uu caafimaad degdeg ah siiyo," ayuu yiri.

Siyaasiga ayaa intaas ku daray "Garowe waxay ahayd xarun nabdoon oo argagexiso ka maran. Ilaaheey dadkeena Coronavirus, Argagexisada Abaaraha iyo colaada ha ka dulqaado".

Bishii April 20-keeda sanadkii 2015, qarax aan wali la hubin noociisa oo lagu beegsaday shaqaale ka tirsan xafiiska UN-ka ee Muqdisho ayaa dilay todoba ay laba kamid ah yihiin ajaaniib, shanta kelana ay Soomaali ahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM