Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Image
Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

GAROWE, Puntland — Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa kasoo horjeesatey jarista dhirta oo uu sababay mashruuca biyo leexinta ee ka socda Qardho.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri "mashruuca biyo leexinta ee soda magaalada Qardho wuxuu  sababay Jarista dhir badan ayna ka dhalatay saamayn deegaan iyo mid bulsho taas soo kasoo horjeeda Xeerka Sahminta Saamaynta Deegaanka."

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka cimilada DPL waxay masuul ka tahay hubinta iyo saamaynta deegaan & bulsha ee ka dhalankarta mashaariieda hormarineed ee laga fuliyo guud ahaan deegaanada Puntland.

Si taas loogaaro wasaaraddu waxay martaa habraac u dagsan sida uu farayo Xeerka Sahminta Saamaynta Deegaanka iyo Bulshada taas o ku salaysan latashi bulsho yo daraasad balaaran oo laga baaraan-degey ka hor inta aan wax shaqo ah la qaban iyadoo adeegsanaysa khuburo yo qalab tiknoolajiyadeed o casri ah taasoo looga gol-leeyahay in aysan mashaariicdu dhibaato u geysan deegaanka, bulshada, iyo Kaabayaasha muhiimka ah.

Hadaba Wasaaraddau ayadoo garawsan muhiimadda u mashruucu leeyahay hadana waxay kawalaacsantahay saamaynta taban ee ka dhalatay mashruuca bio leexinta ka soda magaalada Qardho kaas o sababay Jarista dhir badan ayna ka keeni karta saamayn deegaan iyo mid bulsho taas soo kasoo horjeeda Xeerka Sahminta Saamaynta Deegaanka yo xeerka ilaalinta iyo maaraynta deegaanka.

Hadaba wasaaraddu waxay soo jeedinaysaa in mashaariicda caynkaas ah talashi lagala sameeyo kahor inta an la fulin si loooga hortago inay soolaabtaan dhacdooyinkaan o kale.



GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM