Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Image
Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

GAROWE, Puntland — Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa kasoo horjeesatey jarista dhirta oo uu sababay mashruuca biyo leexinta ee ka socda Qardho.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri "mashruuca biyo leexinta ee soda magaalada Qardho wuxuu  sababay Jarista dhir badan ayna ka dhalatay saamayn deegaan iyo mid bulsho taas soo kasoo horjeeda Xeerka Sahminta Saamaynta Deegaanka."

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka cimilada DPL waxay masuul ka tahay hubinta iyo saamaynta deegaan & bulsha ee ka dhalankarta mashaariieda hormarineed ee laga fuliyo guud ahaan deegaanada Puntland.

Si taas loogaaro wasaaraddu waxay martaa habraac u dagsan sida uu farayo Xeerka Sahminta Saamaynta Deegaanka iyo Bulshada taas o ku salaysan latashi bulsho yo daraasad balaaran oo laga baaraan-degey ka hor inta aan wax shaqo ah la qaban iyadoo adeegsanaysa khuburo yo qalab tiknoolajiyadeed o casri ah taasoo looga gol-leeyahay in aysan mashaariicdu dhibaato u geysan deegaanka, bulshada, iyo Kaabayaasha muhiimka ah.

Hadaba Wasaaraddau ayadoo garawsan muhiimadda u mashruucu leeyahay hadana waxay kawalaacsantahay saamaynta taban ee ka dhalatay mashruuca bio leexinta ka soda magaalada Qardho kaas o sababay Jarista dhir badan ayna ka keeni karta saamayn deegaan iyo mid bulsho taas soo kasoo horjeeda Xeerka Sahminta Saamaynta Deegaanka yo xeerka ilaalinta iyo maaraynta deegaanka.

Hadaba wasaaraddu waxay soo jeedinaysaa in mashaariicda caynkaas ah talashi lagala sameeyo kahor inta an la fulin si loooga hortago inay soolaabtaan dhacdooyinkaan o kale.



GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM