Qarjab "shacabku amniga waa inay dowladda kala shaqeeyaan"

Image

July 12, 2015 (GO)- Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo dadaalka ku aaddan xal u helista xiisadda ka aloosan deegaanka Qarxis, halkaas oo muddo bil ku dhow ay isku hor fadhiyaan ciidamo dowladda ka tirsan iyo ciidamo kale oo gadoodsan, kuwaasoo Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse hoggaaminayo.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa dhanka kale sheegay in heegan sare la geliyey ciidamada ammaanka Puntland, kadib markii la helay xogo muujinaya weerarro ay suurogal tahay inay ka dhacaan Puntland.

Ugu dambeyntii, wuxuu baaq u diray shacabka isagoo ka codsaday inay laamaha ammaanka si dhow ula shaqeeyaan qaybna ka qaataan sugidda amniga iyo weliba soo qabashada cid kasta oo amniga halis ku ah.

Magaalada Garowe waxaa maanta kulan looga hadlayey xal u helidda xiisadda Qarxis ku yeeshay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Isnaan iyo isimmada gobolka Nugaal, Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM