Qarjab: "Maxkamad ayaan gaynaynaa Gallan"
BOSASO- Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa ka hadlay shaqaaqadii shalay 01 Febraayo, 2016 ka dhacday magalada Bosaso xarunta gobolka Bari iyo howl galkii lagu qaaday guriga uu daganaa gudoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamada Maxamed Gallan.
Qarjab oo waraysi siiyay laanta Afka Somaliga VOA, ayaa faahfaahin ka bixiyay qasaaraha ka dhashay howlgalkii ciidamada amniga Puntland ka fuliyeen baydka Gallan, wuxuuna tilmaamay inay jiraan khasaaro soo gaaray dhanka ciidanka dowladda, dhalinyaro kusugnaa goobtaasi iyo guriga gudoomiyihii hore Bari.
Wuxuuna wasiirka Amniga Puntland dhaliilay gudoomiyihii hore gobolkaas isagoo ku eedeeyay inuu ka dambeeyay dhibaatada ka dhacday xarunta ganacsiga Puntland iyo abaabulka dhalinyaro uu sheegay inay banaanbaxa ka dhigeen magaalada.
Wasiir Qarjab oo ka hadlayay qorshaha kaga aadan Puntland gudoomiyihii hore Bari, ayaa sheegay inaysan go'doomin doonin, balse sharciga horgayn doonaan, maadamada sida wasiirku xusay Gallan iyo shakhsiyaad uusan magac dhabin lagu haysto kiisas ka dhan ah arrinta magalada Bosaso.
Arrinta shaqo la'aanta dhalinyaradu ka cowdeen ayuu ka hadlay Cabdi Xirsi, wuxuuna sheegay inay dhalinyarada la hadleen kana dalbadeen inay soo cadeeyaan jaamacadaha ay kasoo baxeen islamarkaana keenaan shahaadooyinkooda.
Hadalka wasiirka ayaa yimi xilli shalay ciidamo ammaanka Puntland, weerar ku qaadeen gurigii uu daganaa Cabdisamad Maxamed Gallan, waxaana ka dhashay qasaaro kala duwan oo kamid ahaa; dab qadsaday guriga kadib rasaas lala dhacay, waxaase xilligaasi suurta galin in gacanta dowladdu kusoo dhigto Gallan.
Xaaladda magalada Bosaso ayaa maanta 02 Febraayo daganayd, waxaase caawa lagu dilay nin ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Xirsi Adduunyo kaasoo ilaa hadda garanayn waxa lagu dilay iyo cidda dishay.
GAROWEONLINE