Qarjab: " Puntland cid weerari mayso, waase is difaaceysaa "

Image

December 9, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa markii ugu horreysey ka hadashay xiisad colaadeed oo maalmihii u dambeeyey laga soo sheegayey degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, kadib markii mileeshiyo beeleed kasoo jeeda deegaanada Galmudug ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen duleedka degmada Towfiiq.

Wasiirka Amniga Puntland, Cabdi Xirsi Qarjab ayaa sheegay in dowladdu ka warqabto dhaqdhaqaaqyada ciidan ee Galmudug ka waddo deegaano ku dhow degmada Towfiiq, isagoo  wax laga xumaado ku tilmaamay in mar kale colaad gobolka dib looga huriyo.

"haddii xadka Puntland lasoo weeraro ama ciidamo lasoo dhoobo, dadka waxan ku wargelinaynaa inay is difaacaan gacamahana aysan laaban...anagu nabadda waa rabnaa laakiin nabaddu waa inay noqoto mid lagula rabo, hal dhinac nabaddu kama shaqeyn karto" ayuu yiri.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Towfiiq, Maxamed Cabdulqaadir Axmed ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dhaq dhaqaaqyada ciidan ee mileeshiyaadka Galmudug wadaan. Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale  sheegay in ilaa iyo hadda aysan ogeyn sababta arrintan ka dameysa.

Wararka madaxa bannaan ee Garowe Online helayo ayaa tibaaxaya in xiisadani ka dhalatay dilkii ganacsade Daahir Gode-Gode oo December 4, 2015  lagu diley meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo. Mileeshiyaadka isku uruursanaya duleedka degmada Towfiiq waxay isku hayb yihiin ganacsade Gode Gode.

Puntland iyo Galmudug ayaa dhowaan heshiis kala saxiixday kadib dagaallo khasaare badan geystey oo labada dhinac ku dhex maray magaalada Galkacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM