Qaxooti ka badan 1900 oo qof oo saaka Bosaso soo gaarey

Image
Image
Image

June 6, 2015 (GO)- In ka badan 1600 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen ayaa aroornimadii hore ee saaka oo Sabti ah soo gaarey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Dadkan oo isugu jirey Soomaali iyo Yemeniyiin ayaa la socdey doon lagu magacaabo Suldaana,  tasoo shalay kasoo shiraacatey dekedda Mukallah. 

Xilligii doontu soo xiraneysey waxaa dekedda ku sugnaa mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid ahaayeen, wasiirka dekedaha, guddiga gurmadka qaxootiga, duqa degmada Bosaso iyo xubno ka socdey hay'adaha Bisha Cas iyo IOM. 

Kooxaha caafimaadka ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey dad isugu jirey naafo iyo waayeel, waxaa sidoo kale cunto fudud la siiyey muhaajiriinta oo intaas kaddib loo soo daad gureeyey goob loogu talo galay  in qaxootiga Yemen kasoo cararaya si kumeel gaar ah loo dejiyo. 

Laga soo bilaabo bishii April ee lasoo dhaafay, waxaa magaalada Bosaso soo gaarey muhaajiriin tiradoodu gaareyso 10,100 (toban kun iyo boqol qof).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM