Qaxooti ka badan 800 oo maanta Bosaso soo gaarey

Image
Image
Image
Image

May 5, 2015 (GO)- In ka badan 800 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen ayaa maanta oo Talaado ah soo gaarey magaalada Bosaso.

Dadkan oo la socdey doon kasoo shiraacatey dekedda Mukallah islamarkaana u badan Soomaali ayaa waxaa ku jirey tobannaan qof oo u dhashay dalalka Yemen iyo Ethiopia.

Xilligii doontu soo xiraneysey waxaa dekedda ku sugnaa mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid ahaayeen, wasiirka dekedaha, duqa degmada Bosaso, taliye ku-xigeenka booliska Bari, isimmo iyo xubno ka socdey hay'adaha Bisha Cas iyo IOM.

Kooxaha caafimaadka ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey dad isugu jirey naafo iyo waayeel, waxaa sidoo kale cunto fudud la siiyey muhaajiriinta oo loo qaybiyey labo qaybood. Ragga si gaar ah ayaa loo soocey dumarka iyo carruurtana hal goob ayaa laysugu geeyey.

Markii u dhammadey baaritaanku, waxaa dadkan lagu daad gureeyey gawaari horay loogu sii diyaariyey, waxaana la geeyey goob loogu talo galay  in qaxootiga Yemen kasoo cararayaa si kumeel gaar ah loo dejiyo.

Ku dhowaad 4000 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen ayaa laga soo bilaabi bishii hore ee April soo gaarey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan sheegay sheegay in Dowladda Federaalku maraakiib iyo diyaarado u diri doonto dalka Yemen, si loo soo daad gureeyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku xanniban dagaallada dalka Yemen ka soconaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM