Qaxooti ka badan 800 oo maanta Bosaso soo gaarey

Image
Image
Image
Image

May 5, 2015 (GO)- In ka badan 800 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen ayaa maanta oo Talaado ah soo gaarey magaalada Bosaso.

Dadkan oo la socdey doon kasoo shiraacatey dekedda Mukallah islamarkaana u badan Soomaali ayaa waxaa ku jirey tobannaan qof oo u dhashay dalalka Yemen iyo Ethiopia.

Xilligii doontu soo xiraneysey waxaa dekedda ku sugnaa mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid ahaayeen, wasiirka dekedaha, duqa degmada Bosaso, taliye ku-xigeenka booliska Bari, isimmo iyo xubno ka socdey hay'adaha Bisha Cas iyo IOM.

Kooxaha caafimaadka ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey dad isugu jirey naafo iyo waayeel, waxaa sidoo kale cunto fudud la siiyey muhaajiriinta oo loo qaybiyey labo qaybood. Ragga si gaar ah ayaa loo soocey dumarka iyo carruurtana hal goob ayaa laysugu geeyey.

Markii u dhammadey baaritaanku, waxaa dadkan lagu daad gureeyey gawaari horay loogu sii diyaariyey, waxaana la geeyey goob loogu talo galay  in qaxootiga Yemen kasoo cararayaa si kumeel gaar ah loo dejiyo.

Ku dhowaad 4000 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen ayaa laga soo bilaabi bishii hore ee April soo gaarey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan sheegay sheegay in Dowladda Federaalku maraakiib iyo diyaarado u diri doonto dalka Yemen, si loo soo daad gureeyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku xanniban dagaallada dalka Yemen ka soconaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM