Qaxootigii ugu badnaa ee ka yimi Yemen oo berri Bosaso kusoo wajahan

Image

April 9, 2015 (GO)- Tiradii ugu badneynd ee ah qaxooti Soomaaliyeed oo kasoo cararey dagaallada ka soconaya  dalka Yemen ayaa berri kusoo wajahan magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Dadkan oo tiradoodu dhan tahay 280 qof una badan kuwo deegaan ahaan kasoo jeeda  Puntland waxay magaalada Mukullah kasoo baxeen duhurnimadii maanta.

Diyaar garow xooggan oo ku aadan sidii dadkaas loo soo dhoweyn lahaa ayaa magaalada Bosaso ka socda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo shalay  xafiiskiisa Garowe shir-jaraa'id ku qabtey, ayaa sheegay in Puntland ka walaacsan tahay qaxootiga kasoo qulqulaya dalka Yemen.

Axmed Karaash ayaa sidoo kale sheegay in labadii todobaad ee ugu dambeeyey ay magaalada Bosaso oo keliya soo gaareen siddeed doonyood oo sidey ku dhowaad labo boqol oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM