Qaxootigii ugu badnaa oo Bosaso soo gaarey

Image

June 13, 2015 (GO)- Ku dhowaad 3000 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen ayaa maanta soo gaarey dekedda magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Dadkan oo u badan dumar iyo carruur waxay badankoodu la socdeen markab uu ku deeqay ganacsade Soomaali ah halka inta kalena ay la socdeen labo doomood oo kuwa xammuulka qaada ah.

Mas'uuliyiin ka tirsan Puntland, Guddiga Gurmadka Qaxootiga iyo xubno ka socdey hay'adaha Bisha Cas iyo IOM ayaa dadkaas ku qaabiley gudaha dekedda islamarkaana si diirran usoo dhoweeyey.

Adeegyo deg deg ah oo isugu jirey quudin iyo dareyeel caafimaad ayaa ugu horreyn loo fidiyey dadka, waxaana intaas kaddib loo gudbiyey xero loogu talo galay in qaxootiga si kumeel gaar ah loo dejiyey.

Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Cadan Axmed Suudaani oo kamid ah mas'uuliyiinta la socda markabka ayaa VOA u sheegay in dadka Bosaso soo gaarey ay ku jiraan qaar badan oo xanuusan.

In ka badan 1300 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen ayaa magaalada Bosaso oo keliya soo gaarey laga soo bilaabo bishii April ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM