Qaxootigii ugu badnaa oo Bosaso soo gaarey

Image

June 13, 2015 (GO)- Ku dhowaad 3000 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen ayaa maanta soo gaarey dekedda magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Dadkan oo u badan dumar iyo carruur waxay badankoodu la socdeen markab uu ku deeqay ganacsade Soomaali ah halka inta kalena ay la socdeen labo doomood oo kuwa xammuulka qaada ah.

Mas'uuliyiin ka tirsan Puntland, Guddiga Gurmadka Qaxootiga iyo xubno ka socdey hay'adaha Bisha Cas iyo IOM ayaa dadkaas ku qaabiley gudaha dekedda islamarkaana si diirran usoo dhoweeyey.

Adeegyo deg deg ah oo isugu jirey quudin iyo dareyeel caafimaad ayaa ugu horreyn loo fidiyey dadka, waxaana intaas kaddib loo gudbiyey xero loogu talo galay in qaxootiga si kumeel gaar ah loo dejiyey.

Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Cadan Axmed Suudaani oo kamid ah mas'uuliyiinta la socda markabka ayaa VOA u sheegay in dadka Bosaso soo gaarey ay ku jiraan qaar badan oo xanuusan.

In ka badan 1300 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen ayaa magaalada Bosaso oo keliya soo gaarey laga soo bilaabo bishii April ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM