Qodobo ka soo baxay shirka Galkacyo [Dhagayso]

Image

29 Augusto,2015(GO)-Waxaa galinkii dambe ee maanta lasoo gaba-gabeeyay shirka wadatashiga Puntland oo malmahan ka socday magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Shirka waxa ka soo baxay qodobo dhawr ah oo ay ka midyihiin; in Guddi ka kooban dawladda iyo dadweynaha loo saaro dib uso celinta dhulka ka maqan gacanta Puntland, hirgalinta Nidaamka dimuqraadiyaynta Puntland, In Hogaanka dhaqanka Puntland aysan ku dhexmilmin Siyaasadda, dardargalinta Nidaamka Dimuqraadiyadda, In Puntland jiritaankeedu yahay Muqadas iyo qodobo kale.

Goddomiyaha daladda aan dowliga ahayn ee PUNSA Nuur shire Cisman ayaa akhriyay qodobadasi, waxaana uu sheegey inay jiri doonaan shirar kale oo ka dhici dona magalada Garowe iyo Qardho kuwaasi oo qeyb ka ah shirka wadatashiga Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM