Qodobo laga soo saarey shir dhexmaray Dawladda Puntland iyo Bahda Tacliinta Sare

Image
Shirka waxaa Guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Ilyas Osman Lugatoor.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta, Shir Looga Arrinsanayo Tacliinta Sare Ee Puntland isugu yimid Dawladda Puntland iyo Bahda Tacliinta Sare.

Shirka oo uu Guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, Waxaa soo Agaasintey Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare.

Dood iyo falanqayn dheer ka dib, Waxaa dhinacyada Shirku isku raaceen:

1. In Dawladdu Dardargeliso Kaalinta Kaga Aaddan Horumarinta Arrimaha Tacliinta Sare.

2. In Dawladdu La Garab Istaagto Tacliinta Sare Qoondo Dhaqaale Iyo Taageero Farsamo.

3. In Laga Shaqeeyo Xoojinta Wada-Shaqaynta Bahda Tacliinta Sare Lana Mideeyo Iskaashigooda.

4. Inay Hirgeliso Wasaaradda Waxbarashadu Barnaamijka Maaraynta Xogta Tacliinta Sare ( HEMIS), Wasaaradduna ay tahay cidda maamuleysa xogta Jaamacadaha Puntland.

5. ⁠In la dedejiyo dib-u-eegista iyo waxkabeddelka lagu sameynayo siyaasadaha iyo shuruucda la xiriira tacliinta sare iyo meel marintooda si loo hirgeliyo dhismaha Guddiga Tacliinta Sare

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM