Qof ku dhintay weerar ka dhacay Laas-qoray [Dhagayso]

Image

28 September, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka weerar lagu qaaday Doonyo ku sugnaa xeebta degmadaas, waxaana ku dhintay hal qof.

Gudoomiye ku-xigeenka Laas-qoray Cabdullaahi Axmed Maxamud oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay weerarka inay gaysteen ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntland iyagoo la beegsaday doonyo Kalluumaysato Iraniyiin ah.

Cabdullaahi ayaa tilmaamay in Doonyahani sharciyo ka haystaan xukuumadda Puntland gaar ahaa wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha iyo Kallumaysiga Puntland, horayna degmada uga Kalluumaysan jireen.

Ma caddayn Gudoomiyuhu sababta rasmiga ah ee arrintani u dhacday, xilli Kalluumaysatadani ruqsad ka haystaan dowladda Puntland.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka sarakiisha ciidamada oo falka dhacay ku saabsan.

Sida uu ku caddeeyay waraysiga ku-xigeenka Gudoomiyaha Laas-qoray waxaa horay Bosaso uga dhacay shirar looga hadlayo sidii Doonyahan loogu ogolaan lahaa Kalluumaysiga iyagoo sharciyada la faro u hogaansamaya, waxaana goob joog ka ahaa mas'uuliyiin ka socota wasaradaha Maaliyadda, Dekedaha iyo Kalluumaysiga iyo xanaanada Xoolaha Puntland.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu jiro cabashooyin ka imaanaya bulshada ku nool xeebaha Puntland, iyagoo sheegaya inay jiraan Maraakiib iyo Doonyo jariif ku haya Badda.

Kalluumaysato badan oo reer Puntland ah ayaa haatan awoodin inay Kalluumaystaan iyagoo ka cabsi qaba jariiflayaal Iraaniyiin ah oo si xooggan uga Jillaabta xeebaha Puntland, waxayna u muuqataa mid ay ku lug leeyihiin mas'uuliyiin ka tirsan Puntland.

Dhawaan wasiirka Dekedaha iyo Kalluumaysiga Puntland oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay inay jiraan maraakiib sharci darro uga Kalluumaysta xeebaha Puntland, balse aysan awood u lahayn xakamayntooda.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM