​Qorshaha dayactirka jidka isku xira Garowe iyo Galkacyo [DAAWO]

Image

GAROWE-Mashruuca lagu dayactirayo wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Garowe iyo Galkacyo ayaa maraya heerkii koowaad iyadoo lasoo gaba-gabeeyay tallaabada lagu qiimaynayo jidka iyo goobaha laga samaynayo dayactirka.

Mas'uuliyiinta katirsan wasaaradda howlaha guud, hay'adda wadooyinka Puntland ee PHA iyo saraakiil kasocota hay'adda GIC ayaa booqday wadada iyagoo maray masaafo dhan 81KM, waxayna indha indheeyeen qorshaha koowaad ee qiimaynta iyo halka uu marayo.

Xubnaha ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin hirgalinta mashruuca Midowga Yurub ku deeqay ee lagu hagaajinay jidka dheer ee bur-bursan, waxayna xuseen in ugu dambayn bisha lixaad la xayaysiin doono shaqadan cidda fulinaysa.

Gudoomiyahay hay'adda PHA, ayaa sheegay inay soo gaba-gabeeyeen heerka koowaad ee qiimaynta isagoo xusay inay calaamadeeyeen goobaha dayactirka u baahan.

Dhinaca kale sarakiisha hay'adda barnaamijkan ka qayb qaadanaysa ee GIC ayaa tilmaamay inay ku faraxsanyihiin deeqda EU-da, iyagoo  intaasi ku daray in dhaqso loo fulinayo Barnaamijkan oo ay ku tilmaameen mid muhiim u ah isu socodka.

Lamiga u dhaxeeya Garowe iyo Galkacyo ayaa waxaa kamuuqda bur-bur xooggan, kaasi oo dhibaato xoogan ku haya gaadiidka iyo dadweynaha ku safra, waxaana mashruucan ku dhawaad labo sano ka hor xarigga ka jray madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas".

DAAWO MUUQAALKAN UU BAAHISAY HAY'ADDA PHA

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM