Qunsuliyada Ethiopia Garowe oo dib u bilodey bixinta Fisaha

Image

3 August, 2015 (GO)- Qunsuliyadda Ethiopia  ku leedahay magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa dib u bilowday bixinta fiisaha lagu galo dalkeeda kadib markii muddo todobaad la hakiyay howlaheedii shaqo.

Ethiopia ayaa horey u joojisay howlaha bixinta fiisooyinka dal ku galka kadib markii madaxweynaha Maraykanka Brack Obama socdaal labo maalmood qaatay ku tagey dalka Ethoipia.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa ka walaacayey amni xumo uga imaan karta dadka uga imaanaya dhinaca Somalia halkaasoo saldhigyo ku leeyihiin ururka Al-shabaab.

Boqolaal shacab ah oo adeega bixinta fiisooyinka uga kala yimid qaybaha kala duwan dalka Somalia ayaa maalmihii la soo dhaafey ku xayiraa magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Puntland ayaa halka kaliya ee dowladda Ethiopia ku leedahay qunsliyad bixisa fiisooyinka dal ku galka ah.

Qunsuliyada Ethiopia ee Garowe ayaa la furay May 2010 ee sanadkii 2010 kadib markii dowladii madaxweyne Cabdiraxman Farole heshiis la gashey wasaarada arrimaha dibada Ethiopia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM