Ra'iisul Wasaaraha DF oo beri kusoo wajahan Garowe

Image

October 9, 2014 (GO)- Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa la filayaa in isaga iyo wafdi uu horkacayaa maalinta berri ah (Jimce) soo gaaraan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Qaban qaabada soo dhoweynta wafdiga Ra'iisul Wasaaraha waxaa loo saaray guddi heer wasiir ah kuwaasoo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas arrintaas si gaar ah ugu xil saaray.

Muddo dhowr maalmood ah ayaa lagu wadaa in Ra'iisul Wasaare Cabdiweli iyo wafdigiisu Garowe ku sugnaadaan, iyagoo inta ay halkaas joogaan la kulmi doona madaxda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedada ugu weyn ee socdaalkani waa sidii laysugu soo dhoweyn lahaa labada dhinac [Dowlada Federaalka iyo Puntland] loogana jawaabi lahaa tabashada Puntland gaar ahaan arrinta xiisada weyn abuurtay ee ah dhismaha maamulka la qorshaynayo in loo sameeyo gobolada dhexe gaar ahaan Mudug iyo Galguduud.

Dhanka kale waxaa caawa si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Garowe waxaana wadooyinka muhiimka ah ee caasimada lagu arkayaa ciidamada booliska oo si weyn u sugaya ammaanka.

Booqashada la filayo in Cabdiweli Sheekh Axmed kusoo gaaro Garowe waa tii ugu horreysey ee uu Puntland ku yimaado laga soo bilaabo markii xafiiska loo dhaariyey bishii December ee sanadkii hore 2013, waxayna kusoo aadeysaa xilli uusan wanaagsanayn xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka ee fadhigeedu Muqdisho yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM