Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi: "Puntland la iskama dulmari karo"

Image
Wasiirka Koowaad ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa uu caddeeyay in ka war sugayaan ergadda ay dirsadeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa goob fagaare ah waxa uu soo bandhigay mowqifkiisa ku wajahan khilaafka culus ee siyaasiga ah ee ka dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xamse oo kulan dadwayne uga qeybgalay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu caddeeyay in madaxweynaha waqtiga ka dhacayo Saciid Cabdullaahi Deni uu qeyb ka ahaa fadhiyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaranka.

"Laakiin goor dhexe ayaa saaxiibkey/walaalkey Saciid Cabdullaahi Deni uu naga baxay," ayuu raaciyay isaga oo aanan sharaxaad ka bixin sababaha dhabta ah ee keenay gadoodka hogaamiyaha xilkiisu gabaabsiga yahay.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu rajo fiican ka muujiyey in Deni uu dib ugu soo laaban doono miiska wadahadalka si loo dhameeyo qadiyadaha uu madmadowga ka jiro.

Inkasta oo illaa haatan aysan wax natiijo muuqda ah aysan keenin, Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa hogaanka Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirSabelle u dirsadey ergo ahaan si ay miiska ugu soo celiyaan Deni.

"Puntland iyo madaxdeeda la iskama dulmari karo. Wali waxaan noo dirsnay eragaas. Waxaa aniga shaqsi ahaan ka rajo qabaa in uu dib noogu soo laabto Deni. Puntland hadda nagama maqno waan sugeynaa," ayuu xusay.

Puntland ayaa waqti-xaadirkan waxa ay dhexda uga jirtaa walaahow siyaasadeed maadaama ay soo dhow-dahay doorashadda madaxtnimada iyo baarlamaanka taas oo Deni uu ka gows-qabsanayo in uu xiligeeda ku qabto.

Dadka la socda arrimaha siyaasadda ayaa rumeysan in dagaalka siyaasadeed uu Deni la dagalayo madaxda federaalka uu salka ku hayo arrimo shaqsi ah oo kala dhaxeeya madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhawaqa kasoo yeeray Xamse ayaa waxa uu imaanayaa xilli xafiiskiisa ay dul-heehaabayaan eedeymo la xiriira in uu gabay kaalintiisa matalaadda siyaasiga ah ee degaanada uu kasoo jeeda iyo inuu noqdo maqaar siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM