Ra'isal Wasaaraha oo Muqdisho u duuley una sii gudbaya Abu Dhabi

Image

April 12, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka oo muddo labo maalmood ah booqasho ku joogey Putland ayaa goor dhow ka duuley garoonka diyaaradaha Garowe.

Wafdigan oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo barlamanka Federaalka ayaa u jiheystay dhanka magaalada Muqdisho, balse Ra'isal Wasaaraha ayaa usii gudbi doona wadanka Imaaraadka Carabta.

Cumar Cabdirashiid ayaa casumaad rasmi ah ka helay madaxda Abu Dhabi, waxaana safarka uu Imaaraadka Carabta ku tegayo ku weheliya madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Shiriif Xasan Sheekh Aadan.

Booqashada Ra'isal Wasaare Cumar ku yimid Puntland oo qaadatey labo maalmood waxay ahayd tii ugu horreysey tan markii xilkan loo soo magacaabey bishii December ee lasoo dhaafay.

Muddadii uu Garowe ku sugnaa wuxuu kulammo gaar gaar ah la qaatey madaxda Puntland, isimmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM