Ra'isal Wasaaraha oo Muqdisho u duuley una sii gudbaya Abu Dhabi

Image

April 12, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka oo muddo labo maalmood ah booqasho ku joogey Putland ayaa goor dhow ka duuley garoonka diyaaradaha Garowe.

Wafdigan oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo barlamanka Federaalka ayaa u jiheystay dhanka magaalada Muqdisho, balse Ra'isal Wasaaraha ayaa usii gudbi doona wadanka Imaaraadka Carabta.

Cumar Cabdirashiid ayaa casumaad rasmi ah ka helay madaxda Abu Dhabi, waxaana safarka uu Imaaraadka Carabta ku tegayo ku weheliya madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Shiriif Xasan Sheekh Aadan.

Booqashada Ra'isal Wasaare Cumar ku yimid Puntland oo qaadatey labo maalmood waxay ahayd tii ugu horreysey tan markii xilkan loo soo magacaabey bishii December ee lasoo dhaafay.

Muddadii uu Garowe ku sugnaa wuxuu kulammo gaar gaar ah la qaatey madaxda Puntland, isimmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM