Ra'isal Wasaaraha Somalia oo Garowe soo gaarey

Image

July 13, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa galabta  soo gaarey wafdi uu hoggaaminayo Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke. 

Mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda Puntland, wasiirro, xildhibaanno, isimmo iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdiga Ra'isal Wasaaraha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha. 

Muddada Cumar Cabdirashiid Garowe ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo  Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan oo isagu saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey Garowe ku sugnaa.

Kulanka saddexda mas'uul oo intiisa badan noqon doona wada-tashi, waxaa lagu gorfeyn doonaa xaaladda guud ee dalka, xiriirka Puntland iyo Jubaland kala dhexeeya Dowladda Federaalka, dastuurka, higsiga 2016 iyo muranka dhanka xuduudaha ee ka dhex aloosan Puntland iyo maamulkii dhowaan degmada Cadaado lagu dhisay.

Faah faahin dheeri ah iyo sawirradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM