Ra'isal Wasaaraha Somalia oo si weyn Garowe loogu soo dhoweeyey

Image
Image
Image
Image
Image

April 10, 2015 (GO)- Raysal Wasaaraha  Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Soo dhaweynta Wafdigan waxaa ka qeyb qaatey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Cabdixakiin Camay, Gudoomiyaha Barlamanka Siciid Xasan Shire, wasiirro, xildhibaanno, isimmo iyo boqollaal dadweyne ah.

Cutubyo ka tirsan ciidanka militeriga Puntland iyo kooxda baambeyda  ayaa salaan Sharaf u saarey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Madaxweynaha oo soo dhoweynta kaddib si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in Ra'isal Wasaaraha iyo wafdigiisu muddo dhowr maalmood ah Garowe joogi doonaan, wadatashi ballaarana la yeelan doonaan madaxda iyo bulshada Puntland.

"muddo dhowr cisho ah ayey nala joogi doonaan, waxbadan oo ka dhaxeeya dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaanu kawada hadli doonaa, Cumarna waa markii ugu horaysay oo uu Garoowe yimaado isaga oo ra'iisul wasaare ah" Gaas ayaa sidaas yiri.

Raysal Wasaare Sharma'arke ayaa isna dhankiisa uga mahadceliyey dowladda iyo dadweynaha Puntland sida diirran ee ay isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen.

"waan bogaadinayaa runtii sida Puntland ay ugu dadaashay xasiloonideeda, amaanka iyo nabad-gelyada ka jirta, halkaana waxaanu u nimi in aan wadatashi samayno" ayuu yiri Ra'isal Wasaaruhu.

Booqashadani waa tii ugu horreysey ee Cumar Cabdirashiid tan iyo markii xilkaas loo soo magacaabey uu ku yimaado Puntland, wuxuuna muddada uu Garowe ku sugan yahay la kulmi doonaa madaxda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM