Ra'isal Wasaaraha Somalia oo si weyn Garowe loogu soo dhoweeyey

Image
Image
Image
Image
Image

April 10, 2015 (GO)- Raysal Wasaaraha  Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Soo dhaweynta Wafdigan waxaa ka qeyb qaatey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Cabdixakiin Camay, Gudoomiyaha Barlamanka Siciid Xasan Shire, wasiirro, xildhibaanno, isimmo iyo boqollaal dadweyne ah.

Cutubyo ka tirsan ciidanka militeriga Puntland iyo kooxda baambeyda  ayaa salaan Sharaf u saarey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Madaxweynaha oo soo dhoweynta kaddib si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in Ra'isal Wasaaraha iyo wafdigiisu muddo dhowr maalmood ah Garowe joogi doonaan, wadatashi ballaarana la yeelan doonaan madaxda iyo bulshada Puntland.

"muddo dhowr cisho ah ayey nala joogi doonaan, waxbadan oo ka dhaxeeya dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaanu kawada hadli doonaa, Cumarna waa markii ugu horaysay oo uu Garoowe yimaado isaga oo ra'iisul wasaare ah" Gaas ayaa sidaas yiri.

Raysal Wasaare Sharma'arke ayaa isna dhankiisa uga mahadceliyey dowladda iyo dadweynaha Puntland sida diirran ee ay isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen.

"waan bogaadinayaa runtii sida Puntland ay ugu dadaashay xasiloonideeda, amaanka iyo nabad-gelyada ka jirta, halkaana waxaanu u nimi in aan wadatashi samayno" ayuu yiri Ra'isal Wasaaruhu.

Booqashadani waa tii ugu horreysey ee Cumar Cabdirashiid tan iyo markii xilkaas loo soo magacaabey uu ku yimaado Puntland, wuxuuna muddada uu Garowe ku sugan yahay la kulmi doonaa madaxda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM