Ra'isal Wasaaraha Soomaliya oo maanta Garowe kusoo wajahan

Image

July 13, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa maanta kusoo wajahan magaalo madaxda Puntland ee Garowe. 

Ra'isal Wasaaraha waxaa booqashadiisa Garowe ku weheliya qaar kamid ah wasiirrada iyo xildhibaannada kasoo jeeda Puntland.

Diyaar garow xooggan oo ku aaddan soo dhoweynta wafdigaas ayaa Garowe ka socda, ammaankana si weyn ayaa loo adkeeyey.

Mudane  Cabdirashiid muddo saddex maalmood ah ayuu Garowe ku sii negaan doonaa, wuxuuna la kulmi doonaa Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubaland, isimadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. 

Booqashadan ayaa noqoneysa tii labaad ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ku yimaado Puntland, laga soo bilaabo markii xilka ra'isal wasaaraha loo soo magacaabey Dec 17, 2014. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM