Ra'isal Wasaare Sharmaarke oo Galkacayo ku wajahan

Image

July 19, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaaada Garowe ayaa lagu wadaa inuu saaka u ambabaxo magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Muddo kooban ayey Ra'isa Wasaaraha iyo wafdigiisu Galkacayo ku sugnaan doonaan, iyagoo uga sii gudbi doona dhanka magaalada Muqdisho.

Diyaar garow xooggan oo ku aaddan soo dhoweynta wafdigaas ayaa xilligan Gaalkacayo ka socda, iyadoo ammaankana si weyn loo adkeeyey.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa isagana la filayaa inuu maanta dhanka magaalada Kismaayo u dhoofo.

Booqashada Mudane Sharmaarke Galkacayo ku tegayo ayaa noqoneysa tii ugu horreysey tan iyo markii uu xilka qabtey, waxayna kusoo aadeysaa xilli uu natiijo la'aan kusoo dhammaadey kulan saddex geesood ahaa oo Garowe ay ku yeesheen Dowladda Federaalka, Puntland iyo Jubaland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadda magaalada Nairobi ku sugan, ayaa shalay si kedis ah Garowe uga dhoofay xilli shirar xasaasi ahi socdeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynuhu ku wargelin safarkiisa mas'uuliyiinta kale ee uu Garowe kulammada kula lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM