Ra'isal wasaare Sharmake iyo Shariif Xasan oo Galkacyo tagay

Image

29 November, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Ra'isal wasaaraha dowladda Federalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa soo gaaray magalada Galkacyo xarunta gobolka.

Sharmake, waxaa socdaalkiisa Galkacyo ku weheliyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, wasiirro, Xildhibaano iyo mas'uuliyiin kale.

Socdaalka hogaamiyaasha ayaa la xiriirta khilaafka ka dhex aloosan maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaan socda dadaallo ay wadaan waxgarad, culimaa'udiin iyo siyaasiin.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake oo la warbaahinta kula hadlayay magalada Galkacyo ayaa sheegay inay ku hanweynyihiin sidii arrintaasi loogu heli lahaa xal guud iyo mid gaara ah.

Ra'isal wasaaraha ayaa sidoo kale labada dhinacba ugu baaqay qaabkii loo soo celin lahaa dadkii ku barakacay dagaalladi dhacay, wuxuuna tilmaamay inay laaban doonaan iyagoo gobolka nabad ka abuuray.

Sharmaake ayaa carrabka ku dhuftay inay la shirayaan labada dhinac, isla markaana barri Garowe imaan doonaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland kuwaasoo haatan ku sugan magalada Garoowe.

Dadaalladan ayaa imaanaya xilli maanta magalada Galkacyo dagantahay isla markaana socdaan waan waan nabadeed oo degmadaasi ka hirgasha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM