Ra'isal wasaare Sharmake iyo Shariif Xasan oo Galkacyo tagay

Image

29 November, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Ra'isal wasaaraha dowladda Federalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa soo gaaray magalada Galkacyo xarunta gobolka.

Sharmake, waxaa socdaalkiisa Galkacyo ku weheliyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, wasiirro, Xildhibaano iyo mas'uuliyiin kale.

Socdaalka hogaamiyaasha ayaa la xiriirta khilaafka ka dhex aloosan maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaan socda dadaallo ay wadaan waxgarad, culimaa'udiin iyo siyaasiin.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake oo la warbaahinta kula hadlayay magalada Galkacyo ayaa sheegay inay ku hanweynyihiin sidii arrintaasi loogu heli lahaa xal guud iyo mid gaara ah.

Ra'isal wasaaraha ayaa sidoo kale labada dhinacba ugu baaqay qaabkii loo soo celin lahaa dadkii ku barakacay dagaalladi dhacay, wuxuuna tilmaamay inay laaban doonaan iyagoo gobolka nabad ka abuuray.

Sharmaake ayaa carrabka ku dhuftay inay la shirayaan labada dhinac, isla markaana barri Garowe imaan doonaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland kuwaasoo haatan ku sugan magalada Garoowe.

Dadaalladan ayaa imaanaya xilli maanta magalada Galkacyo dagantahay isla markaana socdaan waan waan nabadeed oo degmadaasi ka hirgasha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM