Ra'isal wasaare Sharmake oo Galkacyo imaanaya

Image

26 November, 2015(GO)-Ra'isal wasaaraha Somalia iyo wafti uu hogaaminayo ayaa qorshuhu yahay inay yimaadaan magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug oo maalmahan ka socday barakac.

Socdaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, ayaa salka ku haya sida wararku sheegayaan arrinta ka taagan magalaadaasi, waxaana warar aan la xaqiijin tibaaxayaan inuu safarka ku weheliyo taliyaha ciidanka Boliska Somaliyeed Sareeyo Guud Maxamed Sheekh Xasan Xamud.

Waxgarad ka kala socda labada dhinac ayaa shir uga socda Galkacyo, waxaana weli taagan khilaafki ka dhashay dhismaha wada oo dowladda Puntland ku adkaysanayso inay dhisayso, halka maamulka Galmudug ku andacoonayso si wadadaasi loo dhiso in lagu soo wareejiyo suuq ku yaalla xaafatul Carab.

Badi dadka shacabka ah ee ku noolaa xaafadaha magalada Galkacyo ayaa barakacay ka dib ciidamo labada dhinac geeyeen magaaladaasi, balse xaaladda ayaa dagan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM