Radio Galkacyo oo bam-gacmeed Labaad lagu weeraray [ Dhageyso]

Image

January 17, 2015 (GO)- Markii labaad ayaa Radio Gaalkacyo lagu weeraray Bam-gacmeed, iyadoona mamulka iyo shaqalaha xaruntaasi ay walaac ka muujiyeen amniga Idaacadda.

Labo bam-gacmeed ayaa xalay lagu tuuray Idaacadda kuwaasoo burbur gaarsiiyay  gaari dhexyaalay xaruntaas, ma jirto cid sheegatay weerarkan.

Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Mudug ahna taliyaha ciidanka birmadka Gaalkacyo Gaashaanle dhexe Cabdirashiid Xasan Xaashi ''Gabigabi'' ayaa Radio Garowe ka waraysatay xaalada amaan ee magaladda iyo inay cid usoo qabteen qaraxyadii Gaalkacyo ka dhacday todobaadyadii lasoo dhaafay.

Gabi-gabi ayaa sheegay inuu wanaagsan yahay ammaanka magalada hase yeeshee ay jiraan dad bam-gacmeed labo jeer ku weeraray Radio Gaalkacyo sidoo kalena qarxiyay gaari bas ah oo ay saarnaayeen macalimiin Kenyaan ah oo wax ka dhiga Iskuulka Yemeyska.

Taliyaha ayaa wax laga waydiiyay falalkaasi in cid loo qabtay wuxuna yiri '' way jireen dad loo qabtay oo xiran, baaristoodu wali waa socdaa'' Gabigabi oo sii hadlayay ayaa sheegay markuu baaritaan kaasi dhamaano in warbaahinta loosoo bandhigi doono.

Amaanka magalada Gaalkacyo ayaa sii xumaanayay tan iyo markii Askari hubaysan uu garoonka diyaaradaha Cabdilaahi Yuusuf ku dilay Labo sarkaal oo ka tirsan UNODC.

Taliyaha qaybta gobolka Mudug ayaa dhowaan xilka ka tagey kadib markii khilaaf soo kala dhexgaley ku-xigeenkiisa Gabigabi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM