Radio Galkacayo oo caawa bam gacmeed lagu tuuray

Image

December 31, 2014 (GO)- Waxaa caawa bam gacmeed lagu tuuray xarunta Idaacada Radio Galkacayo ee magaalada Gaalkacayo.

Bamka oo laga soo tuuray dhabarka dambe ee dhismaha waxaa ku dhaawacmay labo kamid ah wariyeyaashii Idaacadaas ka hawlgelayey.

Labada wariye ee dhaawacmay waxaa lagu kala magacaabaa Shiine Cabdi Axmed iyo Cabdulaahi Maxamuud Aadan.

Dhaawaca labada wariye soo gaarey waxaa lagu soo waramayaa inuu sahlan yahay sida uu GO u xaqiijiyey wariye ka tirsan Radio Gaalkacayo.

Wariyaha oo ka gaabsaday in magaciisa la baahiyo wuxuu sheegay in marar badan horay loogu soo hanjabay maamulka iyo shaqaalaha Idaacada.

Ma ahan markii ugu horeysey ee la qarxiyo Radio Galkacayo waxaa sidoo kale weerar caynkan oo kale ahaa lala beegsaday xarunta Radio Daljir ee Gaalkacayo.

Bishii November ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacayo lagu diley wariye Cabdirisaaq Cali Cabdi Silver oo ka tirsanaa Radio Daljir iyo telefishinka Horn Cable.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM