​Ra'isal wasaaraha Somalia oo Garowe imaanaya

Image

GAROWE- Wararka uu helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in magaalada Garowe caasumadda Puntland imaanayo Ra'isal wasaaraha dalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, waxaana ujeedka safarkiisa lala xiriirinayaa qorshe uu ugu muhiimsanayahay arrinta labada dhinac ku kala aragti duwanyihiin ee ah habka loo marayo doorashada Somalia 2016.

Sharmake, ayaa la qorshaynayaa inuu yimaado maalinta Jimcaha ee fooda inagu soo haysa isagoo la filayo inuu madaxda Puntland kala hadlay nidaamka wax ku qaybsiga beelaha ee ay saluugga kamuujiyeen.

Dhinaca waxaa safar ku maqan madaxweyne Gaas oo maanta u baxay deegaanada lagu dagaallamay gobolka Mudug gaar ahaan Garacad, waxaana cadayn inta uu safarkaasi qaadan doono, balse wararka aan helayno ayaa sheegaya inuu madaxweynuhu safarkiisa soo gaabinayo si uu kulamo ula qaado Wasiirka Koowaad ee xukuumadda Federalka Somalia.

Imaanshaha Cumar Cabdirashiid ayaa kusoo beegmaysa xilli deegaanada Puntland qaar kamid ah dagaallo lagula galay malayshiyaad katirsan kooxda Shabaab, waxaana guulaha ay gaareen ciidamada Puntland ammaanay madaxweynaha Somalia, laakiin lama saadaalin karo in Cumar arrintaasi kala hadli doono madaxda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM