Robab Dabaylo wata oo ka da'ay deegaanka Ceel-daahir ee gobolka Bari

Image

Deegaanka Ceel-daahir oo hoos taga degmada Carmo ee gobolka Bari waxaa ka da'ay Roobab Dabaylo wata kuwaas oo waxyeeleeyey guryo tiradooda lagu qiyaasay 70 sida ay sheegeen odayaasha deegaankaasi.

Faarax Cumar Maxamed oo ka mid ah odayaasha Ceel-daahir ayaa isagoo lahadlayey saxaafada wuxuu sheegay in waxyeelo ka soo gaartey haweenay uu ku soo dumey mid ka mid ah guryaha Dabaylahani xaaladeeda caafimaadna loogu qaaday magalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari

Dhawaan ayaa qaramada midoobay shir ay ku qabteen magaalada Muqdisho  ku sheegeen inay qaar kamid ah Somalia ay ka da'i karaan  Roobab Dabaylo wata iyagoo si gaar ah carabka ugu dhuftay meelaha ay maraan wabiyadda Jubba iyo Shabeelle fatahaad ay sameeyanna laga cabsi qabo.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Key oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen hadii dhibaatadaas ay timaado sidii loola tacaali lahaayeen.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM