Roob doon ka dhacday magalada Garowe [Dhagayso]

Image

12 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe caasumadda Puntland lagu qabtay banaan bax Roob doon ah oo dhawaan shaacisay xukuumadda Puntland.

Fagaaraha u dhaw xerada 54-aad ee duleedka Waqooyi Garowe ayaa lagu qabtay isusoo baxa, waxaana ka soo qayb galay maamulka gobolka Nugal, kan degmada Garowe, dadweyne farabadan.

Roob doonta waxaa ku dhawaaqday sabtidii la soo dhaafay wasaaradda cadaaladda Puntland, waxaana kulankii maanta ka maqnaa inta badan golaha xukuumadda Puntland, waloow ay joogeen wasiirka beeraha iyo Agaasimayaal dhawr ah.

Labo rakcadood oo sunne ah ayaa goobta lagu tukaday, waxaana culimaa'udiinka Puntland soo jeediyeen wacdi ay bulshada ugu baaqayeen in la iscafiyo lagana waantoobo xumaanta ALLE-na loo laabto.

Roobka Dayrta ayaa ka hooray qaybo ka mid ah Puntland, waloow ay jiraan goobo badan oo ka jirto abaar iyo kulayl.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM