​Roobab ka da'ay qaybo kamid ah Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Roobab da'siimo ahaan kala duwan ayaa ka da'ay gobollada Puntland qaar kamid ah gaar ahaan Nugal iyo Mudug, waxaana ku diirsaday bulshada goobahaasi ku dhaqan.

Raxmadda ALLE ayaa hoorsimaadkeedu bilowday xalay ilaa maanta, waxaana goob joogayaal aan la xiriirnay noo sheegeen inay qabowsadeen islamarkaana baraagaha qaybtood biyo fiican galeen, halka kuwa kale ku warameen inuu ahaa qaboojin oo qura laakiin aysan waraha iyo baraaguhuba biyo galin.

Meelaha roobabku qabteen, waxaa kamid ah Burtinle, Godob-jiiraan, Galkayco iyo deegaano kale oo magaalooyinkaasi hoos yimaada.

Cabdicasiis aw- Axmed, oo kamid ah dadka deegaanka Hayaanle, ayaa Radio Garowe u sheegay inuu qabtay roob aad u wanaagsan kaasi oo biyo galiyay baraagaha intooda badan halka kuwa kale wali maranyihiin. Halkan ka dhagayso

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka degmada Godob-jiiraan Axamed Maxamed ayaa Radio Garowe u sheegay in halkaasi ka da'ay roob qaboojin ah islamarkaana lagu diirsaday, waxaase uu xusay inuusan biyo galin baraagaha iyo balliyada, isagoo xusay in abaartu weli taagantahay. Halkan ka dhagayso

Wax soo saarka ayaa sidoo kale abaartu saamaysay, waxaana gudoomiye ku-xigeenka demgadaasi noo sheegay inuusan jirin dalag soo go'a maadama Godob kamid ahayd meelaha wax soo saarka caanka ku ah.

Roobabkan curtay ayaa kusoo beegmay xilli abaaro xooggan ka jira gudaha Puntland, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka iyo duunyada ku dhaqan meelaha miyiga ah, waxaana maanta cirku u muuqday mid kabadan sidii hore maadama ay muuqato jawi roobaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM