Roobab lagu diirsaday oo ka da'ay Gobalka Gedo

Image

October 23, 2014 (GO)- Roobab lagu diirsaday ayaa xalay ka da'ay degmooyin ka tirsan Gobalka Gedo xili abaaraha gobalkaasi ka jira ay sii xoogaysteen.

Degmooyinka Doolow, Baledxaawo iyo Luuq ayuu roobku ka da'ay sida uu Radio Garowe u sheegay Wariye madax banaan oo la yiraahdo Maxamed Qani Kuusow.

Maxamed Qani oo ku sugan Doolow ayaa soo tabiyay roobkii xalay ka da'ay Doolow inuu ahaa mid ay ku diirsadeen dadka iyo duunyadda isla markasna deegaanadda kale ee degmada roobab laga soo sheegayo.

Meelaha ay abaaru ka jiraan ee laga cabsi qabo inay dadku haraad iyo gaajo ugu geeriyoodaan ayuu ku sheegay Kuusow inay yihiin Garbahaareey iyo deegaano kale halkaasoo kumanaan dad ahi xoolahoodii uga baqtiyeen.

Dhowr maalmood ka hor ayay ahayd markii deegaano ka tirsan Gobalka Gedo sideed ruux ay gaajo iyo haraad ugu geeriyoodeen taasoo calaamad u ah xadiga abaaraha Gobalka ka jira oo aad u saraysa.

Puntland ayaa laga wadaa gurmad xoogan oo dhaqaale loogu aruurinayo qoysaska ku tabaalaysan Gobalka Gado oo ka mid ah gobaladda uu ka taliyo mamulka Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM