Roobabka Guga oo ka curtey Puntland

Image

March 23, 2015 (GO)- Roobabka Guga ayaa ka curtey qaybo kamid ah deegaanada Puntland gaar ahaan gobollada Bari, Karkaar, Nugaal iyo Sanaag.

Meelaha roobabka xooggani ka da'een waxaa kamid ah dhulka miyiga ah ee hoos taga degmooyinka Carmo, Isku-shuban iyo Boosaaso.

Waxaa sidoo kale roobab lagu diirsadey ay ka da'een qaybo kamid ah gobollada Nugaal iyo Mudug.

Gobolka Haylaan qaybo kamid ah iyo galbeedka Sanaag ayaa iyagana roobab mahiigaan ahi ku hooreen labadii maalmood ee lasoo dhaafey.

Dhanka kale, waxaa jira khasaare maaliyadeed oo ka dhashay roobab saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey si xiriir ah uga da'ayey Puntland.

In ka badan lix boqol oo neef oo ari ah ayaa lagu soo warramayaa in roobku ku diley deegaano hoos taga degmada Isku-shuban ee gobolka Karkaar, sida uu xaqiijiyey duqa Isku-shuban Cabdirisaaq Muuse Cartan.

Curashada xilli roobaadka Guga ayaa kusoo aadeysa xilli weli ay abaari ka jirto qaybo kamid ah gobollada dhexe iyo koonfurta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM