Rooble oo xafladii loo qabtay uga jawaabay tagida mehrado

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafladdii sagootinta ahayd ee loo qabtey kaga jawaabey inuu booqdo goobaha lagu caweeyo Garowe wuxuuna tegay makhaayaddo iyo mehrado ganacsi.

Talaabadan ayaa daaha ka qaadeysa sidda loogu kala aragti duwan yahay arimaha doorashada qaranka kusoo fool leh ee dhamaadka 2020 iyo dabayaaqadda 2021.

Dhinaca kale, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani ayaa isagu horey u sii wadey qabashada cabashada iyadoo ay soo xaadireen inta badan xubnaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kaga jira Puntland.

Dhowr kamid ah dadka u-dhuun-daloola siyaasadda Soomaaliya oo u waramay warsidaha GO ayaa aaminsan "in laga haboonaa" go'aanka uu wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka kaga baaqdey munaasabaddaas."

Kadib markii uu shaqeyn waayey qorshihii RW Rooble u gudbiyey madaxda Puntland, ra'iisul wasaare Rooble ayaa la kulmay Isimada Puntland, isaga oo u gudbiyey cabasho ka dhan ah madaxweynaha Puntland.

Cabashadaas ayaa la sheegay iney aheyd in madaxweyne Deni fulin waayey heshiiskii ay dowladda iyo maamuladda gaareen bishii September, 2020.

Warar ku dhow Isimada ayaa tilmaamaya in hadalkaas aysan ka hoos-qaadin Rooble isla markaana ay kula taliyeen in dalka qeybaha dhiman uu soo arko wada-xaajoodna lagu dhameeyo dhamaan qodobada la isku hayo.

"Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu Isimada iyo Ururada Bulshadda Rayidka ee uu la kulmay u sheegay in doorashadda dhici karto iyaddoo Puntland iyo Jubaland maqan yihiin hadii ismari-waaga sii socdo," sidda ay sheegeen illo wareedyo ka qeybgalay kulamadaa.

Fashilka ku yimid qorshihii uu ra'iisul wasaare Rooble la tegay Garowe ayaa muujineysa sidda madaxweyne Farmaajo uusan diyaar ugu aheyn sahlan in  wadahadal kagalo qodobada la isku hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM