Rooble oo xafladii loo qabtay uga jawaabay tagida mehrado

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafladdii sagootinta ahayd ee loo qabtey kaga jawaabey inuu booqdo goobaha lagu caweeyo Garowe wuxuuna tegay makhaayaddo iyo mehrado ganacsi.

Talaabadan ayaa daaha ka qaadeysa sidda loogu kala aragti duwan yahay arimaha doorashada qaranka kusoo fool leh ee dhamaadka 2020 iyo dabayaaqadda 2021.

Dhinaca kale, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani ayaa isagu horey u sii wadey qabashada cabashada iyadoo ay soo xaadireen inta badan xubnaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kaga jira Puntland.

Dhowr kamid ah dadka u-dhuun-daloola siyaasadda Soomaaliya oo u waramay warsidaha GO ayaa aaminsan "in laga haboonaa" go'aanka uu wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka kaga baaqdey munaasabaddaas."

Kadib markii uu shaqeyn waayey qorshihii RW Rooble u gudbiyey madaxda Puntland, ra'iisul wasaare Rooble ayaa la kulmay Isimada Puntland, isaga oo u gudbiyey cabasho ka dhan ah madaxweynaha Puntland.

Cabashadaas ayaa la sheegay iney aheyd in madaxweyne Deni fulin waayey heshiiskii ay dowladda iyo maamuladda gaareen bishii September, 2020.

Warar ku dhow Isimada ayaa tilmaamaya in hadalkaas aysan ka hoos-qaadin Rooble isla markaana ay kula taliyeen in dalka qeybaha dhiman uu soo arko wada-xaajoodna lagu dhameeyo dhamaan qodobada la isku hayo.

"Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu Isimada iyo Ururada Bulshadda Rayidka ee uu la kulmay u sheegay in doorashadda dhici karto iyaddoo Puntland iyo Jubaland maqan yihiin hadii ismari-waaga sii socdo," sidda ay sheegeen illo wareedyo ka qeybgalay kulamadaa.

Fashilka ku yimid qorshihii uu ra'iisul wasaare Rooble la tegay Garowe ayaa muujineysa sidda madaxweyne Farmaajo uusan diyaar ugu aheyn sahlan in  wadahadal kagalo qodobada la isku hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM