R.W Somalia oo booqday xarumaha waxbarashada Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

October 12, 2014 (GO)- Ra'iisul Wasaaraha Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa maanta kormeer gaaban ku tagay xarunta wasaradda waxbarashada Puntland ee Garowe.

Socdaalkan waxaa ku weheliyay madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Eng.Camay waxayna mid mid u booqdeen qaybaha ay xaruntani ka kooban tahay.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Cali Xaaji Warsame ayaa war bixin ka siiyay Cabdiwali Shiikh Axmed wuxuna tilmaamay inay si wagsan u kala socoto shaqadda ayna ku koobnayn xaruntan oo xafiisyadda kale ay sidaan oo kale shaqadu uga socoto.

Cali Xaaji ayaa bilad lagu sharfayo gudoon siiyay Cabdiwali Shiikh Axmed taasoo lagu sheegay in lagu sharfayo maadam uu socdaalkii ugu horeeyay ku yimi wasaradda.

''runtii Cabdiwali Shiikh Axmed waxa uu u bogay qaabka shaqo ee xarunta wasaradda wuxuna mamulka ku ammaanay sida hufan ee ay ugu addeegayaan shacabka wanaaga jecel ee Puntand'' sidaasi waxaa yiri masuul ka tirsan wasaradda waxbarasha.

Xarumaha kale masuulkan uu booqday waxaa ka mid ahaa Jaamacadaha Bariga Africa, PSU iyo dugsiga sare ee Gambool dhamaan xarumahaasi waxa uu sheegay Ra'iisul Wasaraha inay ahaayeen kuwo shaqooyin hufani ka socdaan.

Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha Somalia ayaa Puntland u yimi sidii loo dhamayn lahaa khilaafka labada dhinac u dhaxeeyay, xarunta wasaradda caafimadka wali waxaa ka socda shirka oo labo gudi loo saaray.

GAROWE ONINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM