R.W Somalia oo booqday xarumaha waxbarashada Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

October 12, 2014 (GO)- Ra'iisul Wasaaraha Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa maanta kormeer gaaban ku tagay xarunta wasaradda waxbarashada Puntland ee Garowe.

Socdaalkan waxaa ku weheliyay madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Eng.Camay waxayna mid mid u booqdeen qaybaha ay xaruntani ka kooban tahay.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Cali Xaaji Warsame ayaa war bixin ka siiyay Cabdiwali Shiikh Axmed wuxuna tilmaamay inay si wagsan u kala socoto shaqadda ayna ku koobnayn xaruntan oo xafiisyadda kale ay sidaan oo kale shaqadu uga socoto.

Cali Xaaji ayaa bilad lagu sharfayo gudoon siiyay Cabdiwali Shiikh Axmed taasoo lagu sheegay in lagu sharfayo maadam uu socdaalkii ugu horeeyay ku yimi wasaradda.

''runtii Cabdiwali Shiikh Axmed waxa uu u bogay qaabka shaqo ee xarunta wasaradda wuxuna mamulka ku ammaanay sida hufan ee ay ugu addeegayaan shacabka wanaaga jecel ee Puntand'' sidaasi waxaa yiri masuul ka tirsan wasaradda waxbarasha.

Xarumaha kale masuulkan uu booqday waxaa ka mid ahaa Jaamacadaha Bariga Africa, PSU iyo dugsiga sare ee Gambool dhamaan xarumahaasi waxa uu sheegay Ra'iisul Wasaraha inay ahaayeen kuwo shaqooyin hufani ka socdaan.

Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha Somalia ayaa Puntland u yimi sidii loo dhamayn lahaa khilaafka labada dhinac u dhaxeeyay, xarunta wasaradda caafimadka wali waxaa ka socda shirka oo labo gudi loo saaray.

GAROWE ONINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM