Saahid Maxamuud oo loo doortay Duqa cusub ee Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland - Xildhibaanada gollaha degaanka Gaalkacyo ayaa Isniintii u doortay Saahid Maxamuud Cali duqa cusub ee magaaladaasi.

Saahid oo guusha ku hantiyay 23 cod ayaa labinta ka helay Cabdiqani Diiriye Dhageweyne, murashaxii ugu dhowaa, kaasi oo helay 7 cod.

Hal cod ayaa xumaaday intii ay socotay coddeynta, sidda uu shaaciyay guddiga soo qaban-qaabiyay doorashadda.

Mas'uuliyihiin ka tirsan dowladda Puntland oo uu kamid yahay wasiirka arrimaha gudaha ayaa goobjoog ka ahaa cod-bixinta.

Coddeynta oo u qabsoontay si heer sarre ah ayaa waxaa codadkooda dhiibtay 31-ka xubnood ee Gollaha Degaanka xarunta gobolka Mudug.

Saahid oo wiil dhalinyaro ah ayaa bedalaya Yaasiin Cabdisamad oo si ku meel gaar ah xafiiska u joogay tan iyo bishii November 2018.

Maayarka cusub ayaa ku dhashay magaaladda Gaalkacyo, oo uu ku barbaaray isla markaana uu ku wax bartay.

Magaaladda Gaalkacyo ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa dhinaca waqooyi waxaa muusha Puntland, halka koonfurta uu ka arimiyo maamulka Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM