Sababta Gaas uga baaqdey safar uu ka tagi lahaa Dhuusomareeb

Image

GALKACAYO- Madaxweynaha xilka uu ka sii dhamaanayo ee Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa maanta ka baaqdey safar uu ku tagi lahaa magalada Dhiusamareeb kadib markii uu diidey inuu u hogaansamo shuruuc u taaal diyaaradaha ay leeyihiin hay’ada Qaramada Midoobey. 

Wararka warsidaha Garowe Online ka heley dhacdadaan ayaa sheegaya iney timid kadib markii Madaxweynaha Gaas iyo xubno ka tirsan xafiiskiisa diideen in la baaro jirkooda ‘body search’, taasoo shaqaalaha diyaarada gaar ku ahaan kuwa u qaabilsan amniga diideen in waftiga Cabdiweli Gaas u qaadaan Dhuusomareeb.

Madaxda maamulada iyo dowada Federaalka ayaa waxaa marar qaarkood taageero dhinaca gadiidka ah u fidiya Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya kuwasoo la mariyo shuruucda dhinaca amniga ee u yaal isticmaalka diyaaradahooda.

Madaxda Soomaalida oo ilaalo gaar ah u kexeysata goobaha ay kaga qayb galayaan kulamada iyo xafladaha ayaa sharcigu u yaala waxaa uu yahay in hubka lagaga xereeyo qaybta diyaarada ee xamuulka halka iyagoo faramaran ay fuulaan qaybta loogu talagaley rakaabka.

Shaqaalaha diyaaradahaan ayaa baaritaanka  guud kadib waxay ciidamada, Madaxda la socota iyo shaqaalaha ku sameeyaan baaritaan dhinaca jirka taasoo horey u dhacdey,  Madaxweyne Gaas-na u aqabali jirey sida warsidaha GO fahansan yahay.

Arinkaan ayaa yimid kadib markii ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey horey u diidey nidaamka baaris ee Madaxweyne Gaas marey xilli uu ka dhoofayey magaalada Garowe markaas oo uu ku socdey magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Gaas ayaa safarkaan gali lahaa xilli ciidamada Puntland ku jiraan heegan kadib markii maalmo ka hor Tuulada Tukaraq ay qabsadeen xoogaga Somaliland.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM