Saciid Deni oo ka tacsiyeeyey askar ku geeriyootay shil gaari

Image
Ciidamaddan ayaa kamid ahaa Ilaaladda gaarka ah ee Madaxtooyadda dowladda Puntland.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Said Abdullahi Deni, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Lix Askari oo kamid ahaa ilaalada Madaxtooyadda, kuwaasooo shil gaari ku galay inta u dhaxaysa magaalooyinka Qardho iyo Garoowe.

"Waxaan Ciidamada Dowladda Puntland gaar ahaan Ciidamada Daraawiishta heerarkooda kala duwan uga tacsiyeynaya Shilka Gaari ee Ciidamadu ku galeen inta u dhexeysa Qardho iyo Garoowe, oo la iisoo sheegay in ay ku geeriyoodeen Lix Askari oo ka tirsanaa ciidamada," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Si gaar ah waxaan Tacsi ugu dirayaa Taliyaha Ururka Afraad ee Dayax ee Ciidamada Daraawiishta Puntland G/Sare Mubaarik Maxamed Warsame iyo Saraakiisha kale ee Ciidamadaasi oo aan uga tacsiyeynayo geerida AHUN Kabtan Khadar Cabdi Jalfis iyo Shan Askari oo kale oo shilkaasi ku geeriyooday".

"Ciidamadeenu waa laf-dhabarteena, inaga ayeeyna inaga wada baxeen, Alle janadii ha geeyo Askarta geeriyootay inta dhaawaca ahna alle ha u boogga dhayo, eheladii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeena alle Samir iyo iimaan ha kasiiyo," ayuu kusoo xiray.

Wararkii ugu dambeeyey khasaarihii ka dhashey shilkii haleeley ciidanka Ilaalada Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in waxyeeladda ay korortey, sida ay sheegayaan xogta laga heleyo goobaha caafimaadka.

Askarta ku dhimatey gaarigii ay saarnayeen ciidan xoojin ah oo ka mid ahaa ilaaliada ayaa gaartey 7 askari. Shilkaan ayaa ka dhacey wadada laamiga ah ee u dhexeysa degmada Dangorayo iyo Garowe.

Ciidankaan ayaa wararku sheegayaan iney kaligood ahaayeen oo uusan Madaxweynaha Puntland la socon. Shilalka noocaan ah ayaa aalaaba waxaa sababa xowliga gaariga ku socdo iyo khibrad yarida dareewalada si lamid ah burburka waddooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM