Saciid Deni oo u qori-qaatay gudoonka baarlamaanka Puntland

Image
Khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac ayaa laga cabsi qabaa in uu isku rogo gacan-ka-hadal.

GAROWE, Puntland - Xaalad cakirnaan ah ayaa waxa ay Axada maanta ah ka dhacdey xarunta Baarlamaanka Puntland kadib markii ay xalay u daateen ciidamadda PMPF oo ka amar-qaata madaxweynaha waqtiga ka dhamaanayo Saciid Cabdullaahi Deni.

Xukuumadda iyo Guddoonka Baarlamanka ayaa madaxa iskula jiray tan iyo markii uu fashilmay damacooda muddo kororsiga loona laabtay doorashada dadban. Guddiga xallinta Khilaafaadka ayaa ku jira arrimaha la isku hayo.

Guddiga ayaanan u joojin faragelinta ka timid Madaxtooyadda Puntland waxaana ay bilaabeen shaqooyinkooda iyaga oo isla maanta soo saarey qoraal ay ku muujinayaan in ay soo saareen jadwalka.

May be an image of text

 

Dhanka kale, Aqalka Wakiilada Puntland oo faafiyey war-saxaafadeed ayaa waxa uu sheegay in uu si adag u cambaareynayo ciidamo Madaxweyne Dani geeyey aqalka wakiilada Puntland.

"Madaxweyne Deni waxaan ugu  baaqay in uu ciidamada ka qaado xarunta golaha Wakiilada oo uu ixtiraamo dastuurka iyo shuruucda u degsan Puntland, si aysan u dhicin qalasaase amni darro," ayuu yiri Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Tani ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa xilli maalmaha ka dhiman codeynta 8-da Janaayo ay kooban yihiin isla markaana ay jirto cabsi baaxad weyn taasoo laga cabsi qabo in ay isku rogto gacan ka hadal dhexmara madaxwyane Deni iyo Gudoomiye Jibriil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM