Saddex qof oo ku dhintay degmada Boocame [Dhagayso]

Image

08 September, 2015(GO)-Agaasimaha waaxda bad-baadinta Beeraha Puntland Cabduqaadir Cali Samatar ayaa sheegay in saddex qof Sun ugu dhinteen degmada Boocame ee gobolka Sool.

Dadka dhintay ayaa ahaa Beeralay waxayna u dhinteen cunno ay ku darsadeen Sunta lagu buufiyo Beeraha sida uu xaqiijiyay Agaasimaha waaxda bad-baadinta ee Beeraha Puntland isagoo u waramayay Radio Garowe.

"Waxay u maleeyeen Cusbo Raashinkay karsanayeen bay  ku darsadeen labo goobtii bay  ku dhimatay reer Boocame ah, Nin Koonfur ka yimi oo ka shaqaynayay Beerta waxaa loola soo cararay dhakhtar oo Garowe ayuu ku dhintey"Ayuu yiri Agaasimaha waaxda bad-baadinta Beeraha Puntland.

Cabduqaadir ayaa sheegay in arintani ahayd khalad dhacay maadaama aysan jirin wax wacyi galin ah oo la siiyay dadka Beeralayda ah, waxaana sababta uu ku tilmaamey inay jirto Awood la'aan haysata wasaaradda Beeraha Puntland.

Dadka dhintay ayaa lagu aasey Bocame iyo Garowe waxana wasaaraddu qorsheynaysa sidii loo sameyn lahaa wacyi galin ku aadan dhanka beeraha oo loo sameeyo Beeralayda.

Degmada Bocame waxaa ku yalla in ka badan 120 Beerood waxaana dhammaantood ka soo baxa Geed Mirood kala duwan, waxaana dhacdada Boocame u muuqato in dowladdu aysan xil iska saarin sidii loo bad-baadin lahaa Bad qabka dadka Beeralayda ah ee ku nool Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM