Safarkii Ra'isal wasaaraha Somalia oo Garowe loo badalay

Image

26 November, 2015(GO)-Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake oo maanta la qorshaynayay inuu tago magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa baaqday, waxaana la filayaa inuu barri yimaado magalada Garowe xarunta Puntland.

Wararka Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas dalbaday in Sharmake Garowe yimaado halkii uu ka tagi lahaa magalada Galkacyo.

Safarka Sharmaake ee Puntland ayaa la xiriira khilaafka cusub ee soo kala dhexgalay maamullada Puntland iyo Galmudug kaasoo ka dhashay waddo laami ah oo laga dhisi lahaa xaafadda Garsoor.

Ra'isal wasaaraha ayaa sidoo kale waday qorshayaal uu ku tagayo maamul goboleedyada dalka, wuxuuna dhawaan tagay xarunta maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Horay ayaa loo saadilinayay inuu Cumar Cabdirashiid tagayo Puntland, balse waxaa ka soo hormartay arrinta magalada Galkacyo, waxaana warar hoose sheegayaan inuu ka qayb qaadanayo waan waanta ku aadan sidii hishiis loo kala dhex dhigi lahaa labada maamul oo ciidamo geeyay xarunta gobolka Mudug.

Xaaladda Galkacyo ayaa weli dagan, balse dadka ku nool labada dhinaca ee maamulladu ka taliyaan ayaa barakacay iyagoo ka cabsi qaba dagaal halkaasi ka dhaca.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM