Safarkii Ra'isal wasaaraha Somalia oo Garowe loo badalay

Image

26 November, 2015(GO)-Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake oo maanta la qorshaynayay inuu tago magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa baaqday, waxaana la filayaa inuu barri yimaado magalada Garowe xarunta Puntland.

Wararka Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas dalbaday in Sharmake Garowe yimaado halkii uu ka tagi lahaa magalada Galkacyo.

Safarka Sharmaake ee Puntland ayaa la xiriira khilaafka cusub ee soo kala dhexgalay maamullada Puntland iyo Galmudug kaasoo ka dhashay waddo laami ah oo laga dhisi lahaa xaafadda Garsoor.

Ra'isal wasaaraha ayaa sidoo kale waday qorshayaal uu ku tagayo maamul goboleedyada dalka, wuxuuna dhawaan tagay xarunta maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Horay ayaa loo saadilinayay inuu Cumar Cabdirashiid tagayo Puntland, balse waxaa ka soo hormartay arrinta magalada Galkacyo, waxaana warar hoose sheegayaan inuu ka qayb qaadanayo waan waanta ku aadan sidii hishiis loo kala dhex dhigi lahaa labada maamul oo ciidamo geeyay xarunta gobolka Mudug.

Xaaladda Galkacyo ayaa weli dagan, balse dadka ku nool labada dhinaca ee maamulladu ka taliyaan ayaa barakacay iyagoo ka cabsi qaba dagaal halkaasi ka dhaca.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM