Safiirka Turkiga ee Somalia iyo madaxwayne Gaas oo kulmay

Image
Image
Image
Image

November 4, 2014 (GO)- Safiirka dowladda Turkiga ee Somalia Danjire Olgan Bekar oo maanta soo gaaray magalada Garowe ayaa kulan madaxtooyadda kula qaatay madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa.

Kulankan ayaa ahaa mid ay saxaafaddu dibadda ka joogtay hase yeeshee looga hadlay sidii Turkigu u caawin lahaa Puntland oo qayb ka ah dowladda Federaalka ee Somalia.

Markuu soo idlaaday kulankan ayay si wada jir ah Gaas iyo Bekar saxafadda ula wada hadleen, madaxwayne Gaas oo hadalka qaatay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadda saraakiishan Turkiga ka socota ay ku yimaadeen Garowe.

Waxa uu sheegay Gaas inay ka wada hadleen Bekar sidii loo xoojin lahaa caawinta Puntland iyo hirgalinta mashaariicyo waa wey oo laga wada faa'iidaysto.

Ambasadoor Bekar ayaa docdiisa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay socdaalkiisii ugu horeeyay inuu ku yimaado Puntlamd, wuxuna balan qaaday inay taageeri doonaan Puntland.

Turkiga ayaa Muqdisho ka wada mashruucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dib u dhiska wadooyinka, isbitaalada, goobaha waxbarashada iyo quudinta dadka taagta daran.

Waxaa jirey mashaariic badan oo Dowalda Turkigu horay u balan qaaday inay ka fulin doonto Puntland mashaariicdaas oo aanay jirin wax weli ka hirgalay.

Safiirka iyo wafdigii la socday ayaa isla galabta dib ugu laabtay magalada Muqdisho oo ay markii hore kasoo duuleen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM