Safiirka Turkiga ee Somalia oo Garowe lagu soo dhaweeyay

Image
Image
Image
Image
Image

November 4, 2014 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Safiirka Turkiga ee Somaliya Danjire  Olgan Bekar ayaa maanta oo Talaado ah soo gaaray magalo madaxda Puntland ee Garowe.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay iyo masuuliyiin kale oo gollayaasha dowladda ka tirsan ayaa wafdigan kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magalada.

Safiirka Turkiga ee Somalia ayaa booqday Isbitaalka guud ee magalada Garowe iyo dugsiga sare Gambool wuxuna war bixino ka dhagaystay horjoogayaasha xarumahaasi.

Sidoo kale madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa dowladda Turkiga ka gudoomay deeq raashin ah oo loogu talo galay caruurta agoonta ah ee ku jira kuleedka magalada.

Inkastoo aan la shaacin socdaalka rasmiga ah ee masuulkan haddana wararka la helayo ayaa sheegaya inay ka wada hadli doonaan  Olgan Bekar iyo madaxwayne Gaas sidii mashaariic muuqda Puntland looga hirgalin lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM