Sanqadh-tirashadda Saciid Deni iyo saamo-jiidka xulaafadiisa

Image
Madaxweynaha ayaa hoos kasoo adeejiyey dad kale oo fagaarayaasha ka maagaya cid kasta oo ka aragti-duwan.

GAROWE, Puntland - Meeris ka mid ah gabayada Soomaalida ayaa ahaa “inaad saamo jiidiyo, sanqadh-tirasho kala daa”, balse madaxweynaha Puntland ayaa u muuqda nin doonaya in uu si tartiib ah ku fuulo kursiga markale iyada oo jabaqdiisa meel kasta laga maqlayo.

Wuxuu dhowaanahan si toos ah u bilaabay ololihiisa doorashada, isaga oo si qori-ismarisnimo ah isugu dayaya in uu isu muujiyo qof cusub oo si kasta kaga duwan qofkii uu soo ahaa afartii sano ee tagtay.

Deni oo guda-galay bilooyinkii ugu dambeeyay xukunkiisa wuxuu isu muujinayaa qof shacabka u dhego nugul, ka shaqaynaya horumarkooda, islamarkaasna ku hawlgalaya talo loo dhanyahay.

Waxyaabihii uu ku fashilmay oo dhan wuxuu dusha u saarayaa xukuumaddii federaalka ee dhacday, raggii ay siyaasadda isbahaysiga ku ahaayeen iyo dabcan wax kasta oo kale oo suurtogal ah.

Hoos ka adeejin

Marka uu Deni iibinayo farriimahaasi, waxa uu dhanka kale hoosta kasoo adeejiyay dad kale kuwaasoo fagaarayaasha ka maagaya cid kasta oo la isla garto in si uun ay damaca Deni halis ugu tahay.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa maalmihii ugu dambeeyay wuxuu lasoo ban-baxay isku-dayo umuuqda in uu doonayo adeegsiga awood iyo ciidan si uu u meelmariyo damaciisa doorashooyinka lagu muransan yahay ee goleyaasha degaanka.

Ciidamadda ammaanka ayaa shalay waxay magaalada Boosaaso ku xabadeeyeen dad shacab ah kuwaasoo banaanbax kala hortagay howlwadeeno guddiga doorashada ugu diray xarunta gobolka Bari si ay u soo qiimeeyaan seejooyinka.

Walaaca Beesha Caalamka

Sidoo kale, ciidamo ku hubeysan gaadiid dagaal ayaa shalay lagu arkay qaar kamid ah jidadka Garowe xilli ay magaalada tageen wafuud ka socotey Beesha Caalamka oo uu horkacayay ergayga Qaramada Midoobay James Swan.

Illo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Garowe Online in diblumaasiyiinta ay Deni ku wargeliyeen walaac ay ka qabaan qorshihiisa kusoo beegmay xilli waqtiga kasii dhamaanayo una sheegay in uu keeni karo muddo kororsi taasoo baalmarsan dastuurka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa si xawli ah isu-bahaysanaya kooxihii siyaasadda kale ee Puntland, si loo xaqiijiyo in doorasho xalaal ah ka dhacdo Puntland. Daneeyeyaasha ayaa waxay ka digeen in qorshaha Deni uu horseedi karo cawaaqib-xumo ay ugu weyn tahay xasilooni darro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM