Saraakiil horay uga tirsanaa Al-shabab oo Bosaso lagu soo bandhigey

Image

May 12, 2015 (GO)- Magaalada Bosaso waxaa maanta lagu soo bandhigey saddex nin oo la sheegay inay horay uga tirsanaayeen saraakiisha Al-shabaab ee buuraha Golis, balse bilo kahor isu soo dhiibey dowladda.

Saddexda sarkaal ee maanta lasoo bandhigey waxaa lagu kala magacaabaa:

  1. Mukhtaar Cabdinuur (Axmed Guray).
  2. Cabdiwaajid Cali.
  3. Guuleed Bashiir.

Taliyaha booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf oo warbaahinta uga warbixiyey qaabkii nimankaasi isu soo dhiibeen iyo xilalkii ay hayeen, wuxuu sheegay in Mukhtaar Cabdinuur horay u ahaan jirey Taliyaha Aagga Galgala ee Shabaab, halka Cabdiwaajid Cali uu isna Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Gabayada, ninka saddexaad ee lagu magacaabo Guuleed Bashiir wuxuu isna ahaa sarkaal xil hoose hayey.

Jaqanaf ayaa sidoo kale sheegay in saddexdan nin dowladda usoo gacan galeen afar bilood kahor islamarkaana ay qirteen inay ka tirsanaayeen Al-shabaab balse hadda kaddib kasii tirsanaan doonin.

Waa markii ugu horreysey sanadkan 2015 ee magaalada Bosaso lagu soo bandhigo xubno la sheegay inay kamid ahaayeen hoggaanka ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM