Saraakiil ka tirsan ciidamada oo Garowe tababar loogu soo xiray

Image
Image
Image
Image

December 17, 2014 (GO)- Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta magaalada Garowe tababar ugu soo xiray lixdan sarkaal oo ka kala tirsan ciidamada booliska iyo asluubta.

Xafladda xiritaanka tababarka waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Wasiirka Amniga Xasan Cismaan Aloore, Taliyaha Ciidanka Asluubta Jen. Cali Nuur Cumar iyo mas'uuliyiin ka socday Hay’adda UNDP.

Madaxweyne ku xigeenka oo goobta ka hadlay ayaa la dardaarmay saraakiisha tababarku usoo gaba gaboobay isagoo ku booriyey inay dadaalkooda sii laban laabaan  si fiicana uga faa'iideystaan casharadii la siiyey mudadii uu tababarku socdey.

‘’waxaan idin leeyahay wixii aad halkan ku barateen muhiim ayey ahayd waa in ay noqoto mid aad ugu adeegtaan umadda reer Puntland..waxaan qabaa wixii aad barateen hadaad ku shaqaysaan inay noqon doonto faa’iido balaaran oo dalka u soo hoyatay"ayuu yiri.

Tababarkan oo socday muddo dhan toban maalmood waxaa ciidanka ka qeyb galay lagu baray waxyaabo badan oo ay kamid yihiin habka gawaarida loo baaro iyo weliba habka loo baaro qaraxyada dhulka lagu aaso iyo kuwa gawaarida lagu xiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM